Filimka Panipat ayaa noqday Flop weyn kadib markii uu todobaadkiisa kowaad keenay kudhowaad 25 Crore waana lacag aad iyo aad u yar fagtii hore mashruucan wuu fiicnaa balse maalmihi u dambeyeen dhulka ayuu galay ganacsi ahan waxaana muuqata in sheekadiisa dadka iska wada diideen sidaa aawged si dhaqsi ah ayuu tiyaatarada kaga dagi doonaa marka Dabangg 3 masraxa soo koro.

India oo dhan ganacsi Disaster ah ayuu ka sameeyay maalmihii u dambeyeen xitaa waxuu ganacsi gaabis ah ka sameeyay Maharashtra oo uu markii hore ku wanaagsanaa halka meel uu ku faani karo ama laga qadariyay waa Andhara oo u 5% hoos udhacay marka lala bar bardhigo Pati Patni Aur Woh.

Hader waxaa la isla dhexmaraa inuu 30 Crore cimri ahaantiisa gaari doono iyo inkale hadii uu todobaadkiisa labaad sifiican isku celiyo wuu gaari doonaa waliba Dabangg 3 inta aan tiyaatarada la saarin balse hadii uu hoos usii dhaco waa bur bur mashruucan xitaa 30 Crore ma gaari doono.

Hoos kaga bogo mudo hal todobaad ah ganacsiga uu gudaha Inida ka sameeyay soona daabacday Shabakada BOI:

Jimco: 4 Crore

Sabti: 6 Crore

Axad: 7.50 Crore

Isniin: 2.50 Crore

Talaado: 2.25 Crore

Arbaco: 1.65 Crore

Khamiis: 1.4 Crore

Wadarta Guud: 25.30 Crore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here