Home » Arimaha Bulshada » FOOLXUMO: Nin u dhashay India oo xaaskiisa ka adeejiyey 7 nin kuwaasoo qaabkii ugu xumaa ula dhaqmay

FOOLXUMO: Nin u dhashay India oo xaaskiisa ka adeejiyey 7 nin kuwaasoo qaabkii ugu xumaa ula dhaqmay

Sida laga soo xigtay shabakadda The Times of India, nin ayaa wuxuu u ogolaaday 7 ka mid ah saaxiibadiisa oo cabsan inay kufsadaan xaaskiisa.

Wixii intaas ka dambeeyeyna, todobadaas ragga ayaa hal mar ku shamuumay gabadhaas, iyagoo kufsaday kana qaaday sawirro aad u fool xun iyadoo qaawan, iyagoo doonaya inay sawirradaas rikaato u isticmaalaan.

Boliiska India ayaa haatan qabtay ninkaas xasbina dhigay, waxayna daaha ka qaadeen inay ku raad joogaan 7da nin ee kale, ka dib markii ay soo dacwootay gabadhaas sida foosha xun loo xoogay.

Gobolka Punjab ee dalka India ayuu shilkaani ka dhacay. Boliiska ayaana caddeeyey inay gabadhaani 23 sanno jir tahay, waxayna kaloo xaqiijisay in iyadoo 15 sanno jir ah lagu daray ninka ka adeejiyey 7da nin, kaasoo cabsanaa markii uu falkaan ku kacayey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *