Waxaa si rasmi ah loo soo saaray liiska xidigaha Bollywoodka ugu saameeynta badnaayeen baraha bulshada sanadkaan waxaana laga fiiriyay dhanka hadal heynta sidee ugu kala sameyn badnaayeen siod kalena meesha dhaqaalo ayaa kujiro.

Amitabh Bachchan, Shah Rukh Khan, Akshay Kumar, Alia Bhatt, Ranver Singh, Hrithik Roshan, Katrina Kaif, Shahid Kapoor, Madhuri Dixit, Anushka Sharma, Heesaa Shreya Ghoshal iyo Neha Kakkar ayaa kamid ahaayeen dadkii liiskan kasoo muuqdeen.

Mr.Bachchan hadal heyn xoogaan ayuu dhaliyay sanadkaan maadama uu $7-Million deeq ah ama tabarucaad ah u bixiyay Covid-19 aawgiis si dadka loola tacaalo waayo dalkaas wuu kusii xoogeystay sido kale Akshay Kumar isagana $4-Million ayuu la baxay waxaana udheer inuu noqday shaqsiga Bollywood kasoo jeeda ee ugu daqliga badnaa caalamka.

Dhamaan xidigaha kale mid walba saameeyntiisa ayuu watay sanadkaan waxaana iyaga loo soo xulay inee ahaayen kuwa ugu saameeynta badnaayeen ha noqoto sawiradooda oo si weyn loo faafiyay ama warkooda sida inee lacag deeq ah la baxeen iyo waxyaalo lamid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here