Goos gooskii shalay laga soo bandhigay taxanaha Hercai inaba caadi ma aheyn waxaana ku daawanay arimo aad u xiiso badan.

Mid kamid ah arimahaas waxay aheyd markii Furaat uu wajaho hooyadiisa Asmaa si uu wax uga weydiiyo arinta Hazar Sadoglu.

Balse Asmaa ayaa sirta ay ogtahay u sheegeyso wiilkeeda Furaat midaasoo Furaat layaab iyo shook ku noqoneyso.

Hadaba Su’aasha waxay tahay Furaat muxuu ogaaday oo loo sheegay misna saas dhan hooyadiis ugu qeyliyay?

Labo arin midkood ayay noqoneysaa, tan koowaad in Furaat loo sheegay jaceylkii Miran hooyadiisa iyo Hazar ka dhaxeeyay waana arin lawada ogyahay.

Mida labaad in Furaat loo sheegay in Hazar uu dhalay Miran maadaama ay Asmaa sirtaas ayada ogtahay waa macquul balse uma badnaa waayo qorayaasha taxanaha been been kuma dirin Zehra waliba ayadoon sirtii sheegin.

Hadaba akhristow adiga maxay kula tahay in Furaat ogaaday??

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here