Home » Hollywood News » Gabadha Heesaga Caanka Ah Ee Katy Perry Ayaa Ku Doodeysa In Aysan Wajigeda Qaliin Kusameynin, Sifiican U Fiiri Wajigeda!!

Gabadha Heesaga Caanka Ah Ee Katy Perry Ayaa Ku Doodeysa In Aysan Wajigeda Qaliin Kusameynin, Sifiican U Fiiri Wajigeda!!

Katy Perry waa gabar American ah misane heesa ama fanaanad ah taaso daafaha caalamka caan ka ah, hadaba gabadhan ayaa ku doodeysa in aysan marin qaliin dhanka wajiga ah kadib markii arinkaan mudo la isla dhexmaraayey.

Waxaa la sheegay in xidigtaan wajigeda ay qaliin ku sameysay sido kalena muuqaalkeda is bedelay balse wey beenisay warkaas oo dhan waxayna sheegtay in muuqalkeda aysan mindi ama toorey u qaadanin sido kalena aysan qaliin sameynin.

“Kaliya waxaan isticmaalay qaliinka casriga ah ee Lasers qaab koronto ah si aan madowga indhaheyga u qurxiyo sido kalena duritaan cirbaded ayaan maray waxaana waxas dhan usameyay wareega madow ee indhaheyga inaan qurxiyo wax kale wajigeyga kama taaban.”

“Waligey ma isticmaalin qaliin wajiga ah mana isticmaali doono hada kadib kaliya indhaheyga wareegoda madowga ah ayaan qaliinka casriga ah ee Lasers ku sameyay.”