Zaira Wasim waa gabadha dadweynaha aduunka kaga yaabsatay doorkeeda filimka guusha taariikhiga gaaray ee Dangal balse gabi ahaanba fanka India way isaga baxday dabayaaqadii sanadkii hore.

Zaira Wasim ayaa tiri markii ay ka baxeysat Bollywoodka ayadoo sharaxeyso sababta ay uga baxeyso; “Waxaan u baqay iimaankeyga (towxiidka) cabsi Alle ayaana qalbigeyga so gashay waana iska dhaafay guud ahaan fanka oodhan.”.

Gabadhaan ayaa markale ka hadashay dhigaatada lagu haayo dadkeeda reer Kashmir ayadoona si kulul uga hadashay qoraal ay soo dhugtay barteeda Instagramka.

Zaira ayaa sheegtay inaan xoriyadooda la siinin hadalkooda la qiimeynin shacabka ree Kashmirna la gumeysto.

Waxaa xusid mudan in Kashmir loo kala qeybiyay labo qeybood qeyb Pakistan heysato iyo qeyb India heysato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here