Jia Khan waxay kamid ahed atiriishooyinkii Bollywoodka usoo kacayeen iyo ubax soo baxaayey balse nafta ayee is dhaafisay sanadkii 2013 oo wey is dishay xiligaasna 25-jir ayee ahed aad ayaana hindiya iyo caalamka looga naxay arinkaas foosha xun ee gabadhaan ku dhaqaaqday.

Is dilka gabadhaan waxaa looga shakiyay saaxiibked Sooraj Pancholi ee uu dhalay rugcadaa Aditya Pancholi hadaba Jia hooyaded ayaa maqashay hader is dilka Sushant Singh Rajput muuqaal ayeena iskasoo duubtay oo ay ku weerartay Mega Star Salman Khan sir badana daaha kaga qaaday.

Jia hooyaded oo lagu magacaabo Rabia Amin waxay sheegtay in Salman Khan iskudayey inuu ka hor istaago dacwada ay kuwaday Sooraj Pancholi xiligaasna waxay ahed 2015 hadaba hadalka aan deyno maamo Rabia si ay inoogu sharaxdo.

After Sushant Singh Rajput's death, Jiah Khan's mother makes serious allegations against Salman Khan

“London ayaan kusugnaa taliyaha dambi baarista Mumbai ayaa isoo wacay si deg deg ahna Mumbai ku imaaw ayuu idhahay maadama suaalo muhiim ah la iweydiin rabay howsha is dilka Jia ayaana socotay hadaba Salman ayaa ka war helay inaan India usoo socdo intaan safarka kusoo jiray saacad-saacad ayuu iisoo wacaayey waxuuna iga codsanaayey inaan kiiskan ka laabto oo waxuu ilahaa ‘lacag badan ayaa Sooraj ku qarash-gareeyay fadlan dacwada ka noqo waxba ha eedeynin hadii kale lacag ayaa iga lumeyso.'”

“Markii dambe uu hadalka iga badiyay ayaan kudhahay adiga lacagtaada ayaad ka fikireysa ana gabadheyda ayaan ka fikirayaa balse Salmanow waxaan ogaaday inaad daneeste tahay oo wax naxariis ah laheen awood walba aad leedahay isticmaal aad kiiskan iiga hor istaagi karto bal iskudag inaad iga bad baadiso Sooraj oo ah ninka gabadheyda dilay.”

“Run ahaanti Bollywoodka waa inuu is bedel isku sameeyay dadow idinkana waxaan idiin sheegaa shirkadaan inee kujiraan dad awood leh oo lacagtooda iyo magacooda isticmaalaan dadkana qoorta kaga istaagan waa inaan iska qabanaa Sushant xaqiisa waa inuu helaa waa in lala dagaalamaa kuwa bahdila dadka danyarta ah.”

Sababta Salman u difaacayay Sooraj ayaa ahed in isla sanadkaan 2015 usoo baxaayey filimkii Hero ee Sooraj atooraha ka ahaa Salman Khan na qarash gareeye ka ahaa marka ninka filim dhan aan ku qarash gareeyay ayuu kawadaa Sallu.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here