Mouni Roy ayaa lagu xamanayaa inee xiriir la leedahay nin reer Dubai ah oo lagu magacaabo Suraj Nambiar kaaso hant fiican heesta Bank-na ka shaqeya in mudo ah ayee sheekadan socotay ilaa markii dambe sawiradooda baraha bulshada lasoo dhigay.

Waxaa la sheegay in xidigtaan wiilkan xiriir ula yeelatay si ay lacagtiisa kaga gurubsato oo jaceyl aan been ah ayee ku abuurtay sida xanta qoreyso balse atiriishada musalsalka Naagin sheekadan wey iska fogeysay wax kama jiraan ayeena ku tilmaamtay.

Mar saxaafada weydiyeen xanta laga sheegaya inee run tahay Mouni qosol ayee ka bixi weysay iyadoo la yaabtay beents sidaa u weyn ee laga sheegay waxay tiri iyadoo hadleysa,”waa wax lala yaabo in been dhar la’aan ah lagaa sheego.”

“Aniga iyo isaga wax xiriiir ah nagama dhaxeeyo aan saaxiibtinimo aheen xafladeyda dhalashadana waan ku casuumay sida saaxiibada kale aan ugu casuumay oo kale xaqiiq ahaan nolosha kali ayaan ku ahay wax xiriir ah malihi hader shaqadeyda ayaana diirada saaraa.”

Mouni ii sameeysay musalsalka caanka ah ee Naagin kaasoo qeybo kale laga sameeyay ayaa sanadkaan la imaan doonto filimkeeda xiga Bollywoofka ee lagu magaacabo Made In China waana mashruuc soo jiidasho xad dhaaf ah ku muujin doonto xidigtaan Diwali-ga ayaana la daawanaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here