Rhea Chakraborty waa gabadha Sushant uu saaxiibka la ahaa qorshahana ahed inee is guursadaan sida la sheegay xalayna aan idiin la wadaagnay inkastoo xan ahed bisha November ayuu arooskooda dhici lahaa isla sanadkaan gudihiisa.

Sushant ina adeerkiis ayaa saxaafada usheegay in Sushant doonayey gabar inuu guursado sanadkaan 2020 balse magaceeda ma uusan sheegin hadaba gabadhaas Rhea ine tahay ayaa loo badinayaa maadama iyada lagu xaman jiray.

Rhea ayaa qalbi jab weyn kudhacay markee maqashay geerida saaxiibkeed hadalna wuu kasoo bixi waayey waxay go’aansatay inee wajigiisa aragto kahor inta aan la gubin waa loo sheegay oo waxaa la dhahay waad Shock-santahay mana xamili kartid ee guriga joog.

Wey diiday waxayna tiri inaan arko ayaa jirto waxay lahed riyo ah inee noqoto xaaska Sushant balse waqtigiisa ayaa intaas ku ekaa ugu dambeyna iyadoo la wado ayaa la keenay isbitaalka Meeydka Sushant yaalay oo aan wali laga soo bixinin.

Dhanka kale Sushant waxaa lagu gubi doonaa waxyar kadib meesha lagu magacaabo Vile Parle oo meeydadka hinduga lagu gubo haderna is diyaarinta halkaas ayaa socoto xili qoyskiisa xaadir yihiin lamana oga Bollywood wixii kasoo qeyb gali doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here