Jilaaga Arjun kapoor markii ugu horeysay ee uu ka hadlay farqiga weyn ee u dhaxeya da’ahaan isaga iyi Malaika Arora waxay noqotay oraah taariikhda gasha Arjun-na uu ku muujiyay kartidiisa iyo awoodisa.

Waxaa soo noq noqotay suaalaha la xiriira farqiga udhaxeya da’ahaan lamaanahan waxaana la hubaa in 9 sano udhaxeysa maadama Arjun Kapoor 34 jir yahay halka Malaika 43 jir tahay inkastoo Google-ka 45 jir inee tahay u xisaabiyaan balse afkeeda waxay ka sheegtay inee 43 jir tahay.

Hindustani Times mar ay wareysteen Arjun waxna ka weydiyeen xiriiirka isaga iyo Malaika kadhaxeya iyo sidee dadka u hadal hayaan inuu shukaansanaayo haweeyney 9 sano ka weyn waxuu ku jawaabay xidigaann jawaab fudud oo ah.

“Shaqsi ahaan markaan u hadlo awood ayaan u leeyahay inaan isku mid u maamuli karo gabar 18 jir ah iyo Malaika oo 43 jir ah wax culeys ahna iguma ahan dhibna kuma qabo ee dadkasn iyagaa sheekada weyneyeen.”

Lamaanahana guurkooda wali lama shaacinin inkastoo warar hordhac ah sheegayaan in sanadkaa gudihiisa qeybaha dambe waliba ay is guursan doonaan waana la sugayaa arooskooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here