Home » Arimaha Bulshada » Gabar ayaa badda ku tuurtay farriintaan iyadoo dooneysa wiil shukaansada – 6 sanno ka dibna jawaabtaan ayey heshay!

Gabar ayaa badda ku tuurtay farriintaan iyadoo dooneysa wiil shukaansada – 6 sanno ka dibna jawaabtaan ayey heshay!

Hayley Robbins, waxay aheyd 18 sanno jir baahi u qabta inay hesho wiil haasaawaha nololeed la wadaaga. Adduunyada ayeyna u ogolaatay inay go’aamiyaan cidda ay tahay inay la haasaawdo lix sanno ka hor.

Hayley Robbins ayaa waqtigaas kubad jilicsan ku qortay magaceeda iyo lambarkeeda, iyadoo dalbaneysa in haddii wiilasha qurxoon ay helaan kubaddaan ay xiriir haasaawe lasoo sameyn karaan.

Iyadoo 24 sanno jir ah isla markaana ilowday wax walba oo ay sameysay lix sanno ka hor, Hayley Robbins ayaaa waxaa xiriir lasoo sameeyey wiil helay kubaddii ay tuurtay muddo lix sanno ka hor ah.

Isbuucii lasoo dhaafay waxaa xiriir lasoo sameeyey wiil lagu magacaabo Adam, kaasoo Hayley Robbins u caddeeyey inuu doonayo inuu xiriir haasaawe la sameeyo.

Waxaana uu usoo diray farriin ay ku qorneyd: “Hey, waxaan doonayaa inaan noqdo geesigaaga. Magaceyga miyaad qiyaasi kartaa? Waa Adam”. Wuxuuna soo raaciyey sawirka kubaddii ay badda ku tuurtay.

Hayley ayaana ka dib dhacdadaan la wadaagtay macaamiisheeda Twitter.