Maalin walba taageerayaasha dhacdo horleh ayaa laga soo gudbiyaa oo ay ku dhaqaaqaan ficiladaaso halisteeda leh kuwa qaarna mustaqbalkooda dambe u fiicneen maanta arin horleh oo layaabkeeda wadata ayaan idiin wadnaa.

Gabar yar oo taageero waali u ah Varun Dhawan ayaa ku dhacdo imtixaan walba oo laga qaado si qaas ah maadada xisaabta sababto ah warqada imtixaanka waxba kagama jawaabto kaliya magaca “Varun Dhawan” ayee ku buuxisaa warqadii oodhan.

Macalinkii iyada macalinka u ahaa ee maadada xisaabta (Maths) baraayey ayaa baraha bulshada arinkaan kula wadaagay jilaaga Varun Dhawan isagoo Mention-gareysay bal si uu wax uun oga dhaho waxuuna yiri isagoo arinkaa ka hadlaayo.

“Gabar kamid ah ardaydeeyda iskuulka ayaa marwalba warqada imtixaanka maadada Xisaabta ku buuxisa magacaada (Varun Dhawan) oo kaliya marka ma aqaan wixii aan sameyn lahaa mudane.”

Varun ayaa go’aansaday inuu macalinkaas u jawaabo waxuuna yiri isagoo u jawaabaya,”mudane waxaad gabadhaas u sheegta hadii ay xisaabta ku wanaagsanaato imtixaanadkana sifiican oga shaqeyso waa ballan waan la kulmaa waliba adigoo gacanta hayo ayaad ii keeni doontaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here