Home » Nolosha Jilaayaasha » Gabar Taagero U Ah Varun Dhawan Ayaa Reerkeda Kasoo Carartay Ayadoo Mumbai Iyo Guriga Varun Dhawan Timid Kadib Maxaa Dhacay!!

Gabar Taagero U Ah Varun Dhawan Ayaa Reerkeda Kasoo Carartay Ayadoo Mumbai Iyo Guriga Varun Dhawan Timid Kadib Maxaa Dhacay!!

Gabar taagero waali ah u ah atooraha Varun Dhawan oo 14 jir ayaa kasoo tagtay deegaanka Surat ee gobolka Gujrat si ay ula kulanto atooraha ay taagerto.

Waxay timid Mumbai qaasatan guriga uu Varun degenyahay balse waardiyaasha guriga ayaa u diiden in ay ufasaxaan maadama uusan Varun guriga joogin balse gabadhan ayaa diiday oo goobta qeylo iyo sawaxan ka dhigtay.

Police-ka ayaa la wargaliyay markii ay goobta yimadena waxay isku dayen si tartiib ah inee gabadhaan gurigooda ku geyan hase ahaate wey ka diiday arinkaas ayadoo qeeylo dheer meesha ka muujisay kuna doodeysa inee halmar aragto atooraha ay taagerto misane dartiisa ay reerkeda oga soo carartay.

Gabadhaan waalidkeda waxay u tageen Police-ka Gujrat ayagoo leg gabadhena waan la’nahay mana ogaan in gabadhooda Mumbai joogto hase ahate mardambe ayaa la wargaliyay.

Hader waxay kusugntahay gabadhaan Mumbai wali lama aysan kulmin waalidkeda mana la kulmin atoorihii Varun Dhawan ee ay dartiisa u timid halkaas maadaamaa Police-ka ay hayaan waxaana la sugaya Varun Dhawan iyo waalidkedaa oo lagu warejin doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *