Home » Arimaha Bulshada » Gabar u dhalatay Britain xabsiga la dhigay ka dib markii ay diyaarad dusheeda ku sameysay galmo qeylo dhaan leh!

Gabar u dhalatay Britain xabsiga la dhigay ka dib markii ay diyaarad dusheeda ku sameysay galmo qeylo dhaan leh!

Gabar British oo dhallin ahaan lagu qiyaasay 20 sanno jir, ayaa lagu dhex jiray duulimaad kusii jeeday Las Vegas oo dalka Mareykanka ah.

Shaqaalaha ammaanka diyaaradda Virgin Atlantic ayaa xiray gabadhaan ka dib markii qayladeeda u dulqaadan waayeen dadkii saarnaa diyaaraddaan, maadaama ay galmo qeylo dheer iyada iyo wiil ka mid ahaa rakaabka diyaaraddaan ku sameynayeen musqusha.

Istaafka Virgin Atlantic ayaan magac dhabin gabadhaan, laakiin waxay daaha ka qaadeen inay ceeb ku aheyd inay safarkaan ku wehliyeen waalidkeed.

Ka dib markii qeyladeeda loo dulqaadan waayey, shaqaalaha diyaaradda ayaa tallaabo ka qaadan gabadhaan 20 sanno jirka ah, taasoo galmo la sameyneysay wiil ay keliya diyaaradda ku dul kulmeen.

Markii ay diyaaraddu ka degtay Las Vegas gabadhaan ayaa loo dhiibay boliiska Las Vegas, iyadoo markii dambe digniin lagu soo daayey, waxaana la sheegay inay cabsaneyd markii ay falkaan sameyneysay.