Mega Superstar Salman Khan waxuu isku diyaarinayaa in tiyaatarada loo saaro Filimkiisa weyn ee Dabangg 3 kaaso di weyn sanadkaan loo wada sugaayo waxaana lagu tilmaamay mashruuca sanadka ugu weyn.

Dadka wey ka heleen goos gooska dhameestiran waxaa la sugayaa in December uu Box-office-ka qabsado dhowaan waxaa dhacday in gabar yar jilaagan ka qosliso isagoo jooga goob xaflad ah waxuuna la yaabay kalsoonida gabadhaannyar muujisay.

Xaflad uu dhigay qarash gareeye Ramesh Turani ayuu ka qeyb galaayey waxaana xaflada isugu imaadeen xidigaha Bollywoodka qaar kamid ah hadaba saxaafada ayaa goobta joogeen oo sawiro jilayaasha ka qaadanayeen.

Markuu Salman soo galay waxaa soo oroday gabar yar oo qurux badan waxayna Salman ka codsatay inuu sawir Selfie la galo wuuna ka ogolaaday isagoo dhoola cadeynaayo arinta layaabka leh ayaase ah markii sawirkii uu la galay inee amar siisay.

Waxay usheegtay inee daawatay goos gooska Dabangg 3 sido kalena ay sawirkaan soo dhigi doonto Instagram-ka hadaba “markaa soo dhigo waan kugu Tag-gareynaa ee kasoo hadal (Comments iyo like kabixi)” ayee tiri gabadha.

Salman wuu qoslay isagoo qoslaayo ayuuna yiri “waa yahay waan kasoo hadlaa” Salman kaligiis ma ahan xitaa Bobbu Deol ayee la gashay misane usheegtay inuu kasoo hadlo Instagram-ka markee ugu wacdo atoorayaal iyo atiriishooyin badan ayee la gashay Selfie oo jilaa walba markuu yimaado intaa uusan gudaha xaflada galin ayee banaanka ku qabsaneysay sawirana la galeysay.

Jilayaasha ay Selfie-ga la gashay waxaa kamid ah Salman, Bobby Deol, Chunku Panday, Rakul Preet Singh, Sonaksho Sinha, Tamanna Bhatia, Tusshar Kapoor, Aftab, Sonu Sood, Dia Mirza iyo kuwa kale oo badan.

Dhamaan mid walba waxay usheegtay inee Instagram-ka ugu yeereyso qaab Tagg ahaan ama Mention ahaan ayna kasoo hadlaan sawiradaas Selfie-ga ah wey wada qosleen jilayaashan midwalba xaqiiqdi waxayna la yaabeen kalsoonida iyo dhiiranaanta gabadhan yar waxaa loo badina inee ka dhalatay qoys taajiriin ah oo caan ah maadama ay dhalaal badneed hadana jilayaasha si dhaasi ah ku aqbaleen Selfie-ga gabadhaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here