Ishq Mein Marjawan waxuu kamid noqday musalsalada dadka Soomaalida daawadeen kuwooda ugu saameeynta badan musalsalkaan inta necbaned iyo inta jecleed waxaa badnaayeen inta necbaneed.

Sababta lagu nacay wax kale ma ahan habka sheekada la isugu duba riday ama loo jiheeyay (Directing) ayaa lagu jaha wareeray khaladkaasna waxaa lahaa jiheeyaha ama agaasimaja Filimka (Director-ka).

Hadaba asxaabtii sugayeen qeyb labaad in laga sameeyo musalsalkaan haba ugu badnaadeen asaxaabtaas dumarka ee waxaan idiin kaga heynaa aqbaar wacan.

Warar xan ah ayaa soo helnay oo aan Rasmi ahen ama Official aan aheen wararkaaso sheegayaan in Ishq Mein Marjawan Season 2 la sameeyn doono goordhow waliba dhamaadka November ilaa bilawga December ayee xalqada kowaad bilaawa doontaa.

Sida wararka hoose sheegayaa Aarohi oo dagaal dhan isku diyaarineyso ayee ka bilaawan doontaa qeybtan labaad iyadoo dooneysa markaan inee nafta dhaafiso Deep iyo Tara oo sixun u qiyaameyeen gabadhaan waana laadiriinta filimka ugu weyn.

Ishq Mein Marjawa waxuu soo bilaawday ama qeybtiisa kowaad hawada lagusoo fasaxay 20 September 2017 waxuuna soo idlaaday oo lasoo gaba gabeeyay 28 June 2019 kanaalka Colors Tv ayaana laga daawan jiray.

Waxaa la sugayaa hader qeybta labaad musalsalkaan qabyada ah warkaan xanta ahna inta loogu dhawaaqi doono si rasmi ah waa lawada dhowrayaa adiga ahaan akhriste maku faraxsantahay in qeyb labaad laga sameeyo oo warkaan run noqdo nala wadaag fikirkaada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here