Jilaaga caanka noqday Emraan Hashmi waxuu ku caan baxay sameeynta filimada atiriishooyinka shaashada uu ku galaafanaayo sida inuu shumiska bishimaha la wadaago si xad dhaaf ah iyo muuqaalo dareen aan caadi aheyn.

Bilawgii qarnigaan Bollywoodka wey ka qeyliyeen xidigaan maadama dhaqankii reer galbeedka uu meesha keenay waliba si aan gambasho laheen balse atiriishooyinka waaweyn ee caanka ah Emraan wey iska ilaalin jireen filim la sameyaan.

Waxaa kamid ahaayen kuwaas Kajol, Rani, Karisma, Kareena, Aishawrya, Preity iyo kuwa kale oo awood balaaran fanka ku lahaayen waxayna ogaayen hadii Emraan Filim lala sameeynaayo muuqaal dareen kudheehan iyo qaawanaansho inee meesha marnaba ka marneen.

Hadaba Emraan Hashmi 2 sano kahor waxaa la weydiiyay suaal cajiib badan isagoo wareysi bixinaayo waxaana la yiri sida tan,”atiriishooyin badan shaashada nabad wey kaaga heli waayen oo waad shumisaa waliba ilaa neefta ku xiranto gabadha howlahaada kalena wad raacsiisa bal maxaa diiday inaa Filim la sameeyso Alia Bhatt oo aad walaalo tihiin misane sidaas oo kale shumis ula wadaagto dad badan ayaa sidaa naga codsadeen inaan ku weydiino.”?

Emraan waxuu ku jawaabay,”suaashaas munaasib maba ahan mida kowaad aniga atoore ayaan ahay filimka sida aan aniga rabo uma jilo ee sida Director-ka igu amro ayaan u jilaa howshana u socotaa dadka sidee moodaan mooyee si kale ayaa goobta aan ku duubeyno filimka ka dhacdo.”

“Mida labaad dadka baadi goobayaan ee raadinayaan sababta aan Alia Bhatt shumis shaashada kula wadaagi waayey ama filim ula sameeyn waayey waxaan u haya jawaabta ah maxuu Ranbir Kapoor u dhuuqi waayey bishimaha Kareena Kapoor oi walaashiis ah waa maxay sababta Abhay Deol uu muuqaal dareen raaxo ah ula wadaagi waayey walaashiis Esha Deol.”

Suaalahaas Emraan ilaa hada loogama jawaabin ileen suaasha qalafsan dadkii keenen jawaab ka aamusiisa ayuu siiyay dhanka kale Emraan iyo Alia waa qaraabo maadama Emraan uu waalid ugu aadan yahay Mahesh Bhatt oo ah aabaha dhalay Alia Bhatt iyo Pooja Bhatt.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here