Galmada xalaasha ah waxay leedahay 10kaan faa’iido ee caafimaadka u roon. Qeybtii 2aad.

0
3480

 

Galmada ninka iyo naagta dhex maraan kaliya kuma koobna iney si wadajir ah u raaxeystaan ubadna kala dhalaan, balse sidoo kale waxay leedahay faa’iidooyin caafimaad oo aad u muhiim ah, waxayna faaiidooyinkaas usii kala baxaan kuwa jirka u roon iyo kuwa nafsada uroonba.

Sidoo kale galmadu waxay yareysaa cuduro badan oo kugu dhici lahaa balse waxaan halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa 10 kamid ah faa’iidooyinka caafimaad ee galmadu leedahay.

Qeybtii 1aad waxaan uga soo hadalnay 3 kamid ah ah faa’iidooyinka galmada caafimaadka u leedahay, qeybtaana halkeeda ayaan kasii amba qaadi doonaa.

4-Wuxuu kordhiyaa rabitaanka jinsiyeed.

In galmada si joogto ah loo sameeyo waxay ka caawineysaa gabdhaha in mahbalka uu ahaado mid firfircoon dhiigana kusoo burqado si lamid ah ah geedka ninka taasina waxay labadoodaba ka caawisaa iney kororto rabitaankooda jinsi iyo in si daran ugu macaansadaan xiliga gariirka.

5-Jirka ayay dhalinyaro ka dhigtaa;

Waxaa jiro xiriir ka dhaxeeyo galmada iyo maqaarka jirka, waxayna baaritaanadii ugu dambeeyay sheegeen in in galmada oo si joogto ah loo sameeyo ay jirka ka caawiso inuu soo daayo hormoonada loo yaqaano istroojiin iyo tistostiroon waana labo hormoon oo maqaarka jirka ka caawiyo in dhalinyaranimadiisa ka caawiyaan kana hortagaan inuu gaboobo, waxaana intaas sii dheer in hormoonka istroojiinka uu masuul kayahay in jirka liisho ahaado si lamid ah timaha.

6-Galmadu waxay yareysaa qal-qalka;

Hadii aad la dhibtooneyso walwal ama xaalad nafsiyeed aan fiicneen ku dhex jirto waxaan kugula talin laheyn inaad galmo xalaal ah sameyso, waayo galmada kadib jirka wuxuu soo saaraa hormoonada loo yaqaano indroofiin iyo okisiitoosiin kuwaasoo kaa caawinaayo inaad dareento reyn reyn iyo farxad.

La soco qeybta 3aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here