Galmada xalaasha ah waxay leedahay 10kaan faa’iido ee caafimaadka u roon. Qeybtii 3aad.

0
1712

 

Galmada ninka iyo naagta dhex maraan kaliya kuma koobna iney si wadajir ah u raaxeystaan ubadna kala dhalaan, balse sidoo kale waxay leedahay faa’iidooyin caafimaad oo aad u muhiim ah, waxayna faaiidooyinkaas usii kala baxaan kuwa jirka u roon iyo kuwa nafsada uroonba.

Sidoo kale galmadu waxay yareysaa cuduro badan oo kugu dhici lahaa balse waxaan halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa 10 kamid ah faa’iidooyinka caafimaad ee galmadu leedahay.

Qeybtii 1aad iyo 2aad waxaan uga soo hadalnay 6 kamid ah ah faa’iidooyinka galmada caafimaadka u leedahay, qeybtaana halkeeda ayaan kasii amba qaadi doonaa.

7-Waxay qafiifisaa xanuunka iyo qandhada.

Galmadu waxay jirka u noqon kartaa sida kaniiniga xanuun baabi’yaha, waayo markuu qofka biyo baxo biyo baxaas waxaa la socdo in inuu soo daayo hormoonka layiraahdo indroofiin kaasoona jirka ka caawinaayo inuu xanuunka ka baabi’iyo sida qandhada, dhabar xanuunka iwm.

8-Inaad hesho hurdo kugu filan.

Markii aad galmo sameyso sidoo kalana biyo baxdo wuxuu jirka soo daayaa hormoonka loo yaqaano baroolaktiin kaasoona masuul ka ah inaad dareento daganaan iyo raaxo kadibna wuxuu kaa caawiyaa hurdo dheer inaad la dhacdo.

9-Galmadu waxay kahor tagtaa in kaadida iskeed kaaga imaato.

Dadka qaar siiba dumarka waxay waxay ka cowdaan sidoo kalana qabaan cudurka ah in kaadida ceshan Karin hadaba ogoow galmada iney kaa caawineyso xoojinta murqaha mahbalka taasoona gabadha siineyso awood iney kaadida ceshan karto kaadi heystana maamuli karto.

10-naftaada oo raaxo dareento.

Dadka galmada sida joogtada u sameeyo waxay dareemaan raali ahaansho iyagoona si fudud uga takhaluso tamarta aan loo baahneen misna lidka ah ee jirka ku jirto taasina waxay ka caawisaa ineysan dareemin murug iyo niyadjab, intaas waxaa sii dheer in galmada joogtada ah ay kordhiso jaceylka ay isku qabaan lamaanaha iyo in xiriirkoodu waaro.

Dhamaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here