Galmada ninka iyo naagta dhex maraan kaliya kuma koobna iney si wadajir ah u raaxeystaan ubadna kala dhalaan, balse sidoo kale waxay leedahay faa’iidooyin caafimaad oo aad u muhiim ah, waxayna faaiidooyinkaas usii kala baxaan kuwa jirka u roon iyo kuwa nafsada uroonba.

Sidoo kale galmadu waxay yareysaa cuduro badan oo kugu dhici lahaa balse waxaan halkaan idiin kuugu soo gudbin doonaa 10 kamid ah faa’iidooyinka caafimaad ee galmadu leedahay.

1-waxay xoojiyaan habdhiska difaaca jirka;

Daraasooyin caafimaad oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dadka galmada si joogto misna nadaamsan u sameeyo ay aad u yartahay cudurada ku dhacaan markii dadka kale lala barbar dhigo, waxaana u sabab ah in markasta oo uu galmo sameeyo ay kordheyso awooda habdhiska difaaca jirka asigoona iska caabiyo feyrusaatka, Bakteeriyada iyo jeermisyada kale ee jirka soo weeraro.

2-Miisaankaaga oo hoos u dhaca.

Galmada oo si joogto loo sameeyaa waxaa lagu tiriyaa hababka uu qofka miisaanka isaga dhimi karo, waayo xiliga galmada qofka dhidika ka imaado waa sabab u noqonayaa inuu dhalaaliyo xeyrta buurnaanta taas oona sabab u noqoneyso in qofka miisaankiisa hoos u dhaco, waxaana intaas sii dheer in uu xoojiyo qaar kamid ah muruqyada jirka.

3-Qalbiga ayuu xoojiyaa.

Waxaa la ogaaday in joogteyna howsha galmada ay qofka ka caawiso in xubinta qalbiga xoojiso sidoo kalana ka ilaaliso wadno istaaga iwm.

La soco qeybta 2aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here