Sunny Deol wiilkiisa filimkuu kusoo caan bixinaayey waxuu noqday mashruuc bur buray oo daawadayaal kufilan aan helin balse waaba midka ugu fiican aflaanta masraxa kucusub todobaadkaan ganacsi ahaan.

Pal Pal Dil Ke Paas seddexdiisa maalmood ugu horeysay waxuu ku keenay 4.60 Crore waana ganacsi uu kaga sareeyo aflaanta kale ee la xifaaltamayaan mashruucan ayaa 30% sare ukac sameeyay sabti iyo axad balse wax micno ah masoo kordhineyso marba haduu sare ukac fiican sameynin.

Dhanka kale filimka Sanjah Dutt hogaamiyaha ka yahay ayaa noqday filimka labaad masraxa kucusub ganacsi fiican sameeyo marka la isla bar bardhigo aflaanta dhexdooda waxuuna seddexdiisa maalmood ugu horeysay ku keenay 2.95 Crore waana ganacsi lamid ah Sanju filimkiisa Policegirl.

Ugu dambeyn Sonam Kapoor filimkeeda The Zoya Factor ayaa noqday kii ugu bur bursanaa kuwa masraxa saaran 2.30 Crore ayuu seddex maalmood kusoo xareeyay waana ganacsi niyad jab ah.

Fadlan filim walba siduu seddexda maalmood ganacsiga u sameeyay hoos kaga bogo waxaana soo daabacday shabakada Box-office-ka India:

Pal Pal Dil Ke Paas:

Jimco: 1.20 Crore

Sabti: 1.55 Crore

Axad: 1.85 Crore

Wadarta Guud: 4.60 Crore (Trade Figure)

Prassthanam:

Jimco 80 Lakh

Sabti: 90 lakh

Axad 1.25 Crore

Wadarta Guud: 2.95 Crore

The Zoya Factor:

Jimco: 70 lakh

Sabti: 80 lakh

Axad: 80 lakh

Wadarta Guud: 2.30 Crore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here