Filimka Bala ayaa ganacsi dhex dhexaad ah sameeyay todobaadkiisa afaraad waxuuna keenay 4.50 Crore waana ganacsi wacan sida uu isku celiyay todobaadkiisa afaraad marka la eego waxuu ka wanaagsan yahay todobaadyadiisa hore oo dhan maadama kuwii hore uu hoos u dhacay 60% halka todobaadkiisa afaraad uu hoos u dhacay 55%.

Wadarta guud hader waxuu marayaa 110 Crore waxaana ,la filaa qiyaas ahaan inuu 2 Crore kusii darsan doono cimri ahaan ganacsigiisa kuna istaagi doono 112 Crore dhanka kale 32 Crore ayuu ka keenay Mumbai iyo suuqyada ku hareereysan halka Delhi iyo nawaaxigeeda uu ka keenay 31 Crore.

Ganacsiga Bala mudo afar todobaad ah hoos kaga bogo oo ay soo daabacday shabakada Box-office India..

Todobaadka Kowaad: 69.41 Crore

Todobaadka Labaad: 25.84 Crore

Todobaadka Seddexaad: 10.10 Crore

Todobaadka Afaraad: 4.50 Crore

Wadarta Guud: 109.85 Crore (Trade Figure)

Dhanka kale Filimk Marjaavan wuxuu hoos u dhacay 80% todobaadkiisa sedexaad taasi oo ka dhigan inuu keenay 1.25 Crore ganacsi ahaan todobaadkiisa seddexaad.

Filimkaan ayaa hader wadarta guud maraayo 45.50 Crore waxuuna ku istaagi doona cimri ahaantiisa 46 crore waana mahsruuc guul weyn gaaray hoos kaga bogo ganacsigiisa mudo seddx todobaad ah:

Todobaadka Kowaad:37.15 Crore

Todobaadka Labaad: 7.24 Crore

Todobaadka Seddexaad: 1.25 Crore

Wadarta Guud: 45.64 (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here