Arjun Kapoor iyo Sanjay Dutt Filimka ay hogaamiyaha ka yihiin ee Panipat ayaa ganacsi hoose ama liito ka sameeyay Box-office-ka maalintiisa kowaad waxuuna keenay  4.25 crore waana ganacsi aad u liito waxaana garaacay mashruuca Pati Patni Aur Woh oo Kartik Aryan watay.

Filimkaan ayaa ganacsigiisa ugu fiican ka sameeyay gobolka Maharshtra iyo hareerahiisa sido kale Mumbai, CP Berar iyo Nizam / Andhra iyagana ganacsi wacan ayuu ka sameeyay waliba Nizam / Andhra 35 Lakh ayuu ka keenay maalintiisa kowaad.

Waxay halkaas ka siman yihiin Pati Patni Aur Woh oo asna 35 Lakh halkaas ka keenay, horta Filimkaan boqortooyada ah ganacsi gaabis ah ayuu maalintiisa kowaad sameeyay.

Marka loo fiiriyo sida loo qarash gareeyay iyo hamiga laga lahaa balse wuxuu ka fiican yahay Arjun Kapoor filimadiisa ugu dambeyeen bilaawasho ahaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here