Ganacsiga Iskudarka Gudaha U.S Iyo Daafaha Caalamka Uu Kasameya Filmka Black Panther (WorldWide)

Filmka Hollywoodka ah ee Black Panther ayaa si heer sare ah ku gadmaayo waana mashruuc caalamka intiisa badan laga daawanayo ganacsi wacana Box-officeka ka sameynaayo.

Filmkaan ayaa keenay $263 Million gudaha U.S iyo Canada oo kaliya halka uu daafaha caalamka ka keenay $199 Million waana lacag aad u fara badan.

Mashruucan waa mid guul lixaad leh gaaray waxuuna haatan maraya iskudarka gudaha U.S iyo daafaha caalamka lacago gaarayan $462.2M (Wordwide) waana lacago iskoor ah.

Mudo todobaad ka yar ayuu lacagtaan soo xareyay mashruucan todobaadyada soo socda ayuuna iskoor weyn dhigi doona waxaana macquul ah cimri ahaantisa inuu gaaro ganacsigiisa $1 Billion ama u dhowaado iskudrka gudaha iyo daafaha (Wordwide).