Rani Mukerji Filimkeeda Mardaani 2 ayaa malintiisa kowaad keenay 3.50 Crore ilaa 3.75 Crore lacago udhaxeyaan waxuuna sare ukacay xalay fiidkii sidii la qiyaasay shalay ayaana dhacday balse wali saas eetahay waa lacago gaabis ah waxuuna keenay lacagtii maalintii kowaad uu keenay mashruucan qeybtiisa kowaad ee Mardaani.

Mardaani 2 waxaa looga fadhiyaa inuu sabti iyo axad sare ukac weyn sameeyo si uu u badbaado wuxuu xalay si weyn kaga gadmay West Bengal oo uu ka keenay 30 Lakh halka East Punjab iyo Maharshtra uu sifiican ugu wacnaa waxaana xusid mudan qeybtii kowaad ee filimkaan inuu isla suuqyadn ku wacnaa.

Tiyaatarada dadka reer magaalka usoo daawashto tagaan ee Multiplexes-ka ayuu ku wacan yahay dhanka kale Mumbai iyo hareeraheeda waxuu shalay ka keenay 1.35 Crore waana qasab inuu sabti iyo axad sare ukac weyn suuq walba ah uu sameeyo.

Dhanka kale filimka Hollywoodka ah ee Jumanji –The Next Level ayaa ganacsi adag oo wanaagsan sameeyay maalintiisa kowaad waxuuna keenay 5.25 Crore sido kale 1.10 Crore oo Khamiistii uu shaqeestay hadi xisaabta loogu daro waxay noqonee 6.35 Crore oo maalintiisa kowaad ganacsi ahaan loogu xisaabinaayo sababtana waxay tahay in khamiistii 1.10 Crore si hormaris ahaan dad usii iibsadeen tikitiisa hormariska ah daqligaas ayaana laga helay.

Ugu dambeyn labada filim kale ee jimcadii soo baxeen si bur bur ah ayee ku bilaadeen Filimka The Body waxuu keenay 50 Lakh halka Filimka kale ee mudda la dhaho uu xitaa 10 Lakh gaari waayey waxuuna keenay 370 Rupees.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here