Inaba caadi ma ahan xawaaraha uu kusocdo mashruuca xiisaha leh ee WAR kaaso tiyaatarada maanta si rasmi ah loo saaray waxuuna ku furmay nidaamka loo yaqaano Bumper Opening saaka subaxii hore.

Hadaba Shabakada Box-office India ayaa maqaal hada kasoo qortay kuna saabsan Update-ka filimkaan iyo xaalkiisa waqtigaan la joogo, horta saaka ilaa 85% ayuu ku furmay waana subaxii hore kaliya balse marka la isku daro lana qiimeyo guud ahaan galinka hore oodha sida uu India kaga furmay waa 70% sida BOI kudhawaaqday hader.

6 saacadod ugu horeysay mashruucan 70% ayuu udhaxeeyay duhurkaa sare ayuu usii kacay waana filimka ugu bilaawashada wanaagsan dalka India oodhan sanadkaan marka filim sidaan oodhan tiyaatarada uqabsado bilaawashadana la yimaado waxaa loo yaqaana nidaamka Bumper Opening.

Qiyaasta xili hore waxay sheegeysaa in WAR maanta keeni doono 50 Crore waana muuqataa midaas sababto ah galinkii hore saaka subaxii ama 6-da saacadood ee ugu horeysay ayuuba keenay 23 Crore sida shabakada BOI hader ku dhawaaqday xisaabtana kuma jirto duhurkaan ilaa galabta lacagta uu keeno sido kale caawa fiidkiina waa dhimantahay.

Ileen filimka seddex jadwal ayaa lakala daawana subaxii ilaa duhurkii, duhurkii ilaa maqribkii iyo caawa fiidkii oo uu tiyaatarada saarnaanaayo marka dadkii galinkii hore daawadeen ayaaba 23 Crore laga helay bal kawaran duhurka ilaa caawa imisa lacag ayuu keeni karaa.

Waxaa muuqata inuu 50 Crore gàaeaayo bal aan isla fiirino aflaamta ugu bilaawashada wanaagsan sanadkaan iyo WAR kaalinta uu ka galay:

Avengers-Endgame: 77.5%

WAR: 70%

Bharat: 60%

Mission Mangal: 52.5%

Saaho: 50%

Kabir Singh: 42.5%

Captain Marvel: 37.5%

Fast & Furious- Hobbs & Shaw: 35%

Spiderman-Far From Home: 35%

Gully Boy: 32.5%

Sida sare ka muuqata Avengers ayaa sanadkaan gudaha India ugu bilaawasho wanaagsan balse marka laga hadlo aflaamta Bollywodka WAR ayaa ugi bilaawasho wacan sanadkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here