Ganesh Acharya waxaa loo tixgaliyaa Dance-yaqaanada ugu caansan dalka India waxuuna macalin Dance ka noqday Filimo badan oo caan ah misane la shaqeyay atoorayaal iyo atiriishooyin badan tan iyo 90-maadkii.

Xidigaan dhowaan waxaa so dacweysay gabar isaga gacanyare u ahed taaso dacwo kadhan ka gudbisay iyadoo sheegtay inuu kuqasbay daawashada aflaan anshax-xumo ah misane qaawanaansho ah waxayna sheegtay hadii ay amarkiisa diido inuu ugu hanjabay shaqadeyda iney weyn doonto.

Hadaba Ganesh dad badan ayaa ku kaceen todobaadkii u dambeyay iyo fadeexo weyn ayuuna dhexda ka galay waxuuna jago ka hayaa ururka Dance-ga dalka India ugu dambeyn wuu hadlay dhankiisa waxuuna yiri isagoo is difaacaya.

“Wa been abuur weyn la iga sameeyay sheekadana waxaa ka dambeyaan shaqsiyaad doonayaan inee iga xayuubiyaan jagada aan ka hayo ururka Dance-ga iyo maqaamka aan joogo waxay rabaan booskeyga qorshahana iyaga la dambeyaan.”

“Balse aniga ma aamusayo waan la dagaalama hader waxaan doonayaa inaa dacwad dhankeyga ah ka gudbiyo dadkaas iyo gabadhee doo dirsadeen ee aniga iga been abuuratay iyada ayaana cadeyn doonto meesha aan kula kulmay iyo waxa aan ku qasbay cadeyn la’aan qofna lama qabsan karo marka gabadhaan si qaas ah waligey ulama kulmi goob shaqo mooyee waa inee so cadeysa wax walbo hadii kale iyada xabsi dhex dhigi doonaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here