Arin dood badan dhalisay ayaa haatan fanka Hindiya ka taagan waxaana dacwad lagu soo oogay ninka looga haray sameynta Dance-ga shaashada lagu soo bandhigo Ganesh Acharya waana shaqsi awood badan Bollywood-ka ku leh sidoo kalena shaqadiisa maqaam sare ka gaaray balse markaan baxar ayuu ku jiraa.

Ganesh Acharya waxaa lagu heestaa inuu ku xad gudbay gabbar isaga la shaqeeneesay oo u ahayd kaaliye dhanka Dance-ga inuu ku qasbay inay daawato aflaan anshax xumo ah ama muuqaalo qaawanaan ku jiraan ayadoon raali ka ahayn haddii ay ka diidana shaqada ka racadeenayo ama awooda uu leeyahay awgeed mustaqbalkeeda shaqo dhibaato ugu geesan karo!

Ururka haweenka gobolka Maharashtra ayaa warqad dacdo rasmi ah ka gudbiyeen Ganesh Acharya waxaana warqadan la geeyay saldhiga degmada Amboli ee Mumbai ka tirsan waxaana socdo baaritaan ka dhan ah Ganesh Acharya oo la sheegay in xitaa gabadha isaga dhibane u noqotay uu ugu hanjabay shaqada inuu ka racadeenayo haddii aysan la daawanin aflaanta anshax xumada ah xili lagu sugnaa goobta shaqada ka socotay ee isaga ku awood badan yahay.

Waxaa la sheegay in Ganesh Acharya uu haatan yahay xogyaha guud ee ururka Dance-ga aflaanta iyo TV-yada Hindiya awooda uu leeyahay awgeedna gabadhan dhibanaha u noqotay ugu hanjabay inuu ka saari doono shaqada Dance sameynta oo ay agaasin ahaan aad ugu wanaagsan tahay.

Arintan lama ogaan laheyn ee Ganesh Acharya isaga ayaa gudoonka ururka Dance-ga aflaanta & Tv-yada lagu soo bandhigo u gudbiyay warqad uu ku dalbanaayo gabadha dhibanaha u noqotay in xubinnimada ururkan laga saaro ayadoo markii hore si ay xubin ururkan kaga mid noqoto gabadhan u bixisay 1 Lakh ama 100,000 oo Indian Rupees ina dhiganto $1,400.

Kadib waxaa loo yeeray gabadha dhibanaha ahayd oo gudoonka sare ururkan u sheegtay iyada iyo mudane Ganesh Acharya wixii dhex maray waana halka la ogaaday arinka uu Ganesh ku kacay oo haatan baaritaan lagu wado waxayna u badan tahay in shaqada laga joojin doono inta baaritaanka ku socdo haddii dambigan lagu helana xukuno kale la kulmi karo.

F.G: Gabadha dhibanaha ah magaceeda saxaafada malala wadaagin madaama iyada aysan ogolaanin magaceeda in saxaafada lala wadaago.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here