Gauri Khan waa xaaska Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan waxayna nolosha wadaageen oo ay is guursadeen bilawgii 90-maadkii waxaana hader u joogaan e caruur ah oo midi ay gabbar tahay.

Hadaba shaqada Gauri aqalka oo kaliya kuma eka ee sido kale waa haweeney hawlo badan qabata howsheeda ugu weyn ee ay Bollywoodka shaqsi ahaan ka qabato waa naqshadeynta labiska jilayaasha inkatoo ay tahay soo saare filim.

90-maadkii ayee bilawday howshan waxaana xusid mudan aflaamta ugu badan ee SRK sameeyay labiskiisa odhan iyadaa u dooqday ama u naqshadeysayba maadama howsheeda ay tahay naqshadeenta labiska iyo sida loo kala xulo Fashionka.

Maanta Twitterkeda ayee dadka ku xusuusisay inee iyada naqshadeysa labiska SRK ee filimka Baazigar si gaar ah heeska hirgashay ee “ye Kaalk Kaali Aankhen” dharka uu ku labisnaa.

Xasuus hore iyo waayo-waayo ayee gashay xidigtaan waxayna dadka u sheegtay inee iyada gacanteeda ku naqshadeysa labiskiisa xiligaasna jaceylkooda meeshii ugu sareysay ayuu maraayey lamaanahan arood cusubna wey ahaayeen maadama 1992 ay is guursadeen….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here