Gauri Khan xaaska SRK oo u jawaabtay Donald Trump oo dhawaan ninkeeda wax ka sheegay

Dhawaan ayee ahayd, markii uu madaxweynaha Mareykanka ee Donald Trump uu booqday India, wuxuu sheegay magacyada qaar ka mid ah filimada India sida Sholay iyo Dilwale Dulhaniya Le Jainge.

DDLJ waa mid kamid ah filimada ugu caansan Bollywoodka sidoo kalena waa filimka ugu caansan Shah Rukh Khan. Mar la weydiiyay xaaska Shah Rukh Khan sida ay dareemeyso in Madaxweynaha Mareykanka uu u carabaabay filimka ninkeeda, Gauri Khan ayaa sheegtay in la joogo waqtigii jilaa uu sameyn lahaa taxane filimka si Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha soo gala Hindiya ay uga wada hadlaan arrintaas.

Mar uu ka hadlayey Ahmedabad dhawaan, Donald Trump wuxuu yiri,”Dunida oo dhan dadku waxay ku farxaan inay daawadaan filimada Bollywood, bhangra, iyo filimada caadiga ah sida Dilwale Dulhaniya Le Jainge iyo Sholay. Waan jeclahay filimadaas.” Ayuu Yiri Trump

Wareysiga, Gauri waxaa la weydiiyay su’aal ku saabsan jawaabta ee ka bixineyso hadalada Trump. Kadib waxay ku jawaabtay inay tahay waqtigii Shah Rukh uu qeyb labaad ka sameyn lahaa filimkaan. Waxay rajaynaysay inuu sidaas samaynayo. Gauri waxa kale oo ay intaa ku dartay inay ka codsanayso Aditya Chopra (oo ah agaasimaha DDLJ) inay samayso taxane si markaa Madaxweynaha iyo Raiisel Wasaaraha soo gala India ay uga wada Raaxeestaan.

Dhanka shaqada, Shah Rukh ayaan wali saxiixin filimkiisa soo socda. Mana lagu arkin finlimiada tan iyo ‘2018 filimkii Zero’.

W/D Maankiz

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here