Geerida Ertugrul Ghazi oo loolan xoogan dhex dhigtay Osman Ghazi iyo walaalkiis Savji Bey iyo xiisaha taxanaha Kurulus Osman.

0
409

Taxanaha Kurulus Osman seasonkiisii labaad ayaa meel aad u xiiso badan maraayo xili Ertugrul Ghazi oo ah aabaha dhalay Osman Ghazi geeri qarka u saaranyahay.

Sida lagu soo bandhigay xalqooyinkii ugu dambeeyayba durba waxaa loolan xoogan ka dhex bilowday Osman iyo walaalkiis Savci oo ku aadan cida kursiga ku fariisan doonto misna aabahood xukunka ka dhaxli doono.

Xalqadii ugu dambeysay Osman wuxuu ku dhawaaqay hadii aabihiis xanuunka u geeriyoodo inuu asiga kursiga ku fariisan doono misna qabiilka Kayi sii maamuli doono dowlad u gaar ahna dhisan doono oo uusan ogolaan doonin in qof kale jagada la wareego.

Sidoo kale Savci asigana hamigiisa oo dhan wuxuu yahay sidii uu jagada aabihiis ula wareegi lahaa balse caqabada ugu weyn ee hor taagan ayaa ah Osman oo aanan qofna u aabo yeelin sidoo kalana ah wiil mayal adag sida lagu xakameeyana ay adagtahay.

Hadaba akhristow adiga mala socotaa taxana Kurulus Osman? Hadaad la socotana maxay kula tahay fakarkaaga ka dhiibo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here