In qaraabada la xiriiriyo waa mid kamid ah waajibaadka diiniga ee nala faray, waayo qofka qaraabada xiriiriya wuxuu xiriiriyay Allaah qofkii gooyayna wuxuu gooyay Allaa.
Hadaba qisadaan yar bal nala akhriso;
Taabicigii weynaa ee Saciid binul-Musayib ayaa lagu yiri maalin; Waxaa maanta geeriyooday Ibraahim Bin Dhalxa.
Markaas ayuu yiri; qaab noocee ayuu u geeriyooday?
Waxay dhahee; Qasrigiisa baa kusoo dumay asigoo ku dhex jira.
Markaa ayuu Saciid yiri; Suurogal ma ahan midaas, Allaah wuu diiday in dadka asiga oo kale qaab ceynkaa u geeriyoodaan.
Dadkii markii ay hadalkaa maqleen ayay waxay bilaabeen in qasrigii soo dumay faagaan misna burburkii meesha ka saaraan, sidii ay u qodayeen bey waxay arkeen Ibraahim Bin Dhalxa oo nool misna qasriga hoostiisa ku jiray kaasoo inuu dhintay iskaba daayee jab iyo garaafo midkoodna soo gaarin.
Markaa bey dadkii waxay u yimaadeen saciid Bunul-Museyib waxayna ku yiraahdeen sidee ku ogaatay inuusan burburka hoostiisa ku dhiman?
Saciid ayaa markaa ugu jawaabay; waayo qofka qaraabada xiriiriya dhimashada xun waa laga ilaaliyaa.
Marka asxaabeey halagu dadaalo xiriirinta qaraabada.