Waa qasab Ayushmann Khurrana filim walbo uu la imaado inuu HIT noqdo sidaa darteed xaq ayuu u leeyahay xidigan inuu si waali ah sare ugu qaado qiimahiisa uu aflaanta ku sameeyo madaama suuqa sicirka jilaayaasha aad u kala duwan yahay laguna xadeeyo sida loo kala guuo badan yahay waana sababta keentay in xidigan lacagaha uu aflaanta ku sameeyo sare u qaado madaama shirkadaha aflaanta maal galiyaan saf ugu jiraan la shaqeyntiisa.

Shabakada Bollywood Hungama ayaa ogaatay in Ayushmann Khurrana oo markii hore aflaanta ku sameenayay 2 Crore ($280k) qiimaha sare u qaaday hadda kadibna filimada ku sameyn doono 10 Crore ($1.40m) waxayna ka dhigan tahay 500% inuu sare u qaaday lacagaha uu aflaanta ku sameeyo madaama xidigan haatan waqti dahabi ah bartanka kaga jiro.

Ayushmann Khurrana 7-filim ugu dambeesay uu sameeyay dhamaantooda wey wada guuleesteen weliba si gaar ah afartiisa filim ugu dambeeyeen Badhaai Ho, Andhadhun, Article 15 iyo Dream Girl waxay noqdeen Hit dhameestiran sidoo kalena ganacsi adag ayay sameeyeen waxaana aad loo amaanayaa fariimaha kala duwan uu xidigan sameenayo taasi oo sababtay in maanta si waali ah sare ugu qaado dalabkiisa lacagaha uu aflaanta ku sameeyo.

Ayushmann Khurrana haatan waxaa u diyaarsan filimka Bala oo la daawan doono 7 Nov 2019 sidoo kale waxaa u diyaarsan filimada Gulabo Sitabo oo uu Amitabh Bachchan la jilaayo iyo Shubh Mangal Zyada Saavdhan waxaana labadan filim la daawan doonaa lixda bilood ugu horeyso sanadka dambe ama 2020 in lagu guda jiro waana xidig shaqo badan guushiisana joogto tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here