Gabadha Modelka misna shacbiyada balaaran kuleh caalamka taasoo dhalasho ahaan Maeykan ah balse asalkeeda Falastiin kasoo jeedo ee Gigi Hadid ayaa sheegtay misna carabka ku adkeysay sidey u necebtahay aadista GYM.

Gigi Hadid ayaa sheegtay in ay dhimasho ka xigto ku aalmiinteynta afarta darbi ee GYM u dhaxeyso waligeedna aysan GYM tagi doonin waxayna sidoo kale sheegtay in cabur ka qaado hoolkaas yar ee aan hawada wanaagsan laheyn.

Markii la weydiiyay halka ay jirkaan dhisan misna Modelka ah ku sameysatay ayay sheegtay in subaxdii hore jimcsi caadi ah oo socod iyo orod isugu jiro sameyso isla markaasna dhulka dabiiciga ku socoto si ay hawo nadiif ah u qaadato sidoo kalana ay badisay isticmaalka iyo wadista baaskiilka kaasoo ka caawiyo in miisaankeeda uusan is dhimin.

Gabadhaan Modelka misna quruxda badan ayaa 24 jir ah waxayna sanadkii 2016dii noqotay gabadha ugu fiican gabdhaha Modelka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here