Home » Box Office » Gobolka East Punjab Iskoor weyn ayuu ka dhigay TOH xitaa Bahubali iyo Sultan wuu dhaafay!

Gobolka East Punjab Iskoor weyn ayuu ka dhigay TOH xitaa Bahubali iyo Sultan wuu dhaafay!

Waxaadba moodaa shabakada Boxoffice India (BOI) inay u shaqeeneyso si aysan waligeed u shaqeynin xalay oo idilna shabakadan quburada dabagalka ganacsiga aflaanta Hindiga qaabilsan seexanin madaama ay ka yaabin yihiin ganacsiga taariikhiga iyo iskoorka isku jiro filimka Thugs Of Hindustan ka sameenayo dhamaan gobolada Hindiya.

Sidaa darteed gobolka East Punjab ee dhaco Waqooyiga Hindiya filimka Thugs Of Hindustan wuxuu ka sameeyay bilaabasho aan horey loogu riyoonin wuxuuna ka keenayaa gobolkaan 5 Crore asigoo noqonaayo filimka ugu horeeyay ee maalinta kowaad East Punjab 5 Crore kasoo xareeyo!

Filimada East Punjab ganacsiga ugu badan maalinta kowaad ka sameeyeen waxaa hogaaminaayay filimka halyeega ah Bahubali – The Conclusion kaasi oo gobolkan ka keenay 4.64 Crore mana la is laheyn iskoorkan filimkan ayaa la dhaafi doonaa balse TOH ayaa cagta mariyay.

Fadlan hoos kaga bogo filimada East Punjab maalinta kowaad lacagaha ugu badan kasoo xareeyeen ayadoo haatan TOH hogaanka la wareegay inkastoo weli xogtiisa lacagaha gobolkan 100% la sixin:

1. Thugs Of Hindustan – 5 Crore (Qiyaasta xili hore)

2. Bahubali – The Conclusion – 4.64 Crore (rasmi)

3. Sultan – 4.01 Crore (rasmi)

4. Prem Ratan Dhan Payo – 3.98 Crore (rasmi)

5. Sanju – 3.68 Crore (rasmi)

6. Happy New Year – 3.51 Crore (rasmi)

Fadlan hoos kaga bogo magaalo walbo oo gobolka East Punjab ku taalo iyo ganacisga qiyaasta hore uu filimka TOH halkaas ka sameeyay maalintiisa kowaad:

Gurgaon – 76,16,088

Chandigarh – 61,00,000 apprx

Faridabad – 48,66,441

Ludhiana – 45,67,170

Jalandhar – 23,53,194

Amritsar – 22,00,000 apprx

Jammu – 16,94,683

Patiala – 10,79,023

Waxaa cajiib ah 8-magaalo ee sare ku xusan in filimka TOH ka keenay 3 Crore iyo ka badan waxaa harsan magaalooyinka yar iyo tuulooyin fog ee gobolka East Punjab ka tirsan ganacsigooda in BOI ay isku soo darto ayadoo baadi goob ku wado taasina waxay ka caawin doonaa filimkan inuu East Punjab maalintiisa kowaad 5 Crore ka keeno.

Fadlan kala soco shabakada Filimside sidoo kalena Rukumo si qoraal walbo aan soo dirno Notification ahaan kuugu soo dhaco oo ku saabsan filimka TOH.

Mahad sanidiin.

3 Responses to Gobolka East Punjab Iskoor weyn ayuu ka dhigay TOH xitaa Bahubali iyo Sultan wuu dhaafay!

  1. zakariye Reply

    November 9, 2018 at 8:21 am

    thanks bahda filimside.net shaqadaad uhesaan bulshada

  2. zakariye Reply

    November 9, 2018 at 8:23 am

    subaxaan sidee ayoo kufurme

    • Zakarie Abdi Reply

      November 9, 2018 at 8:47 am

      Weli lama soo daabicin sida uu subaxan ku furmay waan wada sugeynaa, dhamaan shabakadaha waxay ku mashquulsan yihiin lacagtii waalida ahayd ee shalay filimkan keenay in la saxo lana soo daabaco.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *