Home » Box Office » Golmaal Again iska hilmaan Ajay Devgn 2018 waxaa u diyaarsan sedex filim oo la wada sugaao

Golmaal Again iska hilmaan Ajay Devgn 2018 waxaa u diyaarsan sedex filim oo la wada sugaao

Superstar Ajay Devgn hadal heynta dhanka Boxoffice-ka wuxuu kusoo ceshtay filimkiisa Golmaal Again oo Blockbuster weyn noqday sidoo kalena darajada 200 Crore gaaray 100 Crore faa’iido ah kooxda cajaladaha qeybiyaan ka heleen.

Ajay Devgn oo haatan cirka maraayo kuma nasan doono guusha Golmaal Again madaama sanadka dambe 2018 ee kaabiga nagu soo caayo xidigaan u diyaarsan sedex filim uu doonayo inuu awoodiisa Boxoffice-ka kusii joogteeyo.

Ajay filimkiisa ugu soo horeeyo waa Raid oo ay la jileyso Ileana D’Cruiz waxaana la daawan doonaa 16 Maarso 2018 waana filim ka hadlaayo waaxda daqliyada iyo canshuuraadka Hindiya 80-maadkii dhibaatada ka jirtay ayadoo Ajay jilaayo sarkaal canshuuraadka iyo daqliyada kala duwan qaabilsan.

Devgn waxaa u xigi doono filimka aan magaca loo bixin ee jaceylka iyo shactirada ah waxaana la jileyso Tabu ayadoo filimkaan la daawan doono 19 October 2018.

2018 Ajay wuxuu kusoo qatimi doonaa taxanaha caanka ah ee la wada sugaayo Total Dhamaal oo la daawan doono Diwali 2018 ama 7 November 2018.

Sidaa darteed hadii aad tahay taageero Ajay Devgn ah 2018 waa sanad kuu qaas ah madaama Superstar sedex filim heer sare ah u diyaarsan yihiin.

2 Responses to Golmaal Again iska hilmaan Ajay Devgn 2018 waxaa u diyaarsan sedex filim oo la wada sugaao

  1. abdi kaafi Reply

    December 5, 2017 at 12:29 pm

    sxb ajay devgn waxonaleyhy shalay mantaku ilowa devgn wallee wodharsanyhy 3 khans culayka wokusikordhaa wayo ajay wosoroglceliyay waxo hurdo akshay Kumar wajogaa walle Bolawood ka EPL kii okale ayo noqday wayo EPL ka kalinta 4 rad ayalokaltrtmaa halka Bolawood ka kalinta 3 aad ee 3 khans ka kujiraan lowadatartmayo wan arkido naa ajay & akshay mitki sogalo 3 khans mitkisodhaco boskisa walle Boolawodka tartn adag ayakajiro zakiyow kkkkkkkk

  2. rudwaandxt Reply

    December 5, 2017 at 2:19 pm

    3 Khans haku fikirina inaad gaadhan akshay iyo ajay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *