Golmaal Again iyo Judwaa 2 oo weli TV-yada wacdaro taariikhi ah ka dhigayaan

Golmaal Again iyo Judwaa 2 waxay noqdeen labo filim oo Classic ah dhanka TV-yada ka noqdeen All Time Blockbuster madaama qoysaska aysan marnaba labadaan filim ka xiiso dhigeyn.

Waa wax aan marnaba lagu fikirin in Golmaal Again iyo Judwaa 2 ay TV-yada ka daawan doonaan min 50-milyan oo qoys taasi oo muujineyso sida ay Satelite-ka Big Blockbusters kaga noqdeen.

Golmaal Again haatan waxaa TV-yada ka daawadeen 50-milyan iyo 510,000 waxaana lagu soo celiyay 6-jeer oo kala duwan ayaa hawada lagu soo daayay.

Judwaa 2 isagana waxaa TV-yada ka daawadeen 50-milyan iyo 360,000 waxaana lagu soo celiyay 8-jeer oo kala duwan ayaa hawada lagu soo daayay.

Golmaan Again iyo Judwaa 2 Blockbuster ahaan dhanka TV-yada wey kaga weyn yihiin filimada Sultan iyo Dangal waana arin lala yaabay marka loo eego in tiyaatarada Sultan iyo Dangal min 300 Crore ka badan kasoo xareeyeen!

Bahubali – The Conclusion waa boqorka TV-yada dhanka daawashada madaama 90-milyan iyo 200,000 oo qof daawadeen ayadoo 8-jeer oo kala duwan lagu soo celiyay ama Satelite-ka lagu soo daayay!

Sidoo kalena Bahubali – The Conclusion tiyaatarada markii uu saarnaa waxaa tikit u goosteen 50-milyan iyo 250,000 oo qof taasi oo ka dhigeyso hormuudka dhan walbo tiyaatarada iyo TV-yada.

Fadlan hoos kaga bogo Golmaal Again iyo Judwaa 2 isku bar bar dhig shabakada Boxoffice India ku sameesay inta jeer ee Tv-yada laga daawaday ama lagu soo cel celiyay:

Marka 1-aad

Judwaa 2 – 15,266,000

Golmaal Again – 16,352,000

 

 

Marka 2-aad

Judwaa 2 – 9,278,000

Golmaal Again – 15,871,000

 

Marka 3-aad

Judwaa 2 – 6,378,000

Golmaal Again – 8,270,000

 

Marka 4-aad

Judwaa 2 – 6,453,000

Golmaal Again – 5,052,000

 

 

Marka 5-aad

Judwaa 2 – 4,759,000

Golmaal Again – 4,676,000

 

Marka 6-aad

Judwaa 2 – 3,521,000

Golmaal Again – 4,860,000

 

Marka 7-aad 

Judwaa 2 – 4,283,000

Golmaal Again – Markii 7-aad weli laguma celinin

 

Marka 8-aad

Judwaa 2 – 3,641,000

Golmaal Again – Markii 8-aad weli laguma celinin

 

 

Wadarta Guud

Judwaa 2 – 53,579,000 (8-jeer)

Golmaal Again – 55,081,000 (6-jeer)