Waa markale iyo barnaamijkeenii aan uga hadleyna doorarka ugu saameynta badan ee taxanaha Hercai anagoo horay uga soo hadalnay doorarkii Miran, Reyyan, Hazar, iyo Aziiza markaana waxaan tooshka ku ifin doonaa doorka Gonul Aslan Bey.

Ugu horeyn Gonul waxay jaceyl weyn u qabtaa atooraha taxanaha ee Miran ayadoona ilaa yaraanteedii jacleyd waxayna waxkasta u sameyneysaa sidii jaceylkeeda u kasban laheyd iyadoona dariiq walba ha xumaado ama ha samaado u marto waana halka cilad ay leedahay.

Gonul jaceylka ay Miran u qabto dartiis ayay aargoosigooda uga qeyb qaadanee iyadoona Miran walaashiisa dhabta ah mataleyso halka hooyadeedna ay mataleyso Miran hooyadiis.

Gonul jaceylka ay u qabto Miran waa midka ku kalifaayo in dariiq walba helistiisa u marto ayadoona si weyn uga maseersan in Miran uu jecelyahay Reyyan waxayna aad uga xumaanee argoosiga Aziiza darteed in jaceylkeeda Miran u weyso inkastoo Miran uusan waligeed iyada jeclaanin.

Gonul season 1 iyada dhan doorkeeda waa mid xumaan ah isla markaasna dibin daabyo wado heer ay gaarto in Mindi is galiso si ay Reyyan uga been sheegto oo uu Miran u naco Reyyan balse way ku fashilmee sidoo kalana waxay xabad ku dhufanee Azaad oo aan iyada inuu dhibaateeyo rabin isla markaasna wey ka been abuuranee in sharafkeeda kusoo xadgudbi rabay.

Intaas ka sokow qeyibihii ugu dambeeyay Gonul waxay noqotay mid gabi ahaanba iska deysay falalkii axmaqnimada ahaa waxay is fureen Miran waxay si dagan ula dhaqantaa Reyyan ayadoona joojisay cadaadiskii badnaa ee Miran ku heyn jirtay.

Sababaha ay sidaas u sameyneyso oo dhan ayaa ah in walaalkeed hesho maadaama furiinka Miran ay Aziiza ku qasbeyso waxayna Gonul haatan wax walba u sameyneysaa walaalkeeda dartiis.

Furaat ayay u badantahay in uu walaalkeeda yahay inkastoo xalqadii lasoo dhaafay aysan Aziiza marnaba inkirin in Furaat walaalkeeda yahay hadana si rasmi ah wali uma aysan xaqiijin  waana mas’alad wali taagan oo aan 100% la hubin.

Isku soo wada duuboo Gonul haatan waxay u muuqataa mid dagan isla markaasna maskaxdeeda maaleyso iyadoona joojisay falalkii axmaqnimada ahaa ee ay ku kici jirtay waxayna dareentay in sidaas waxba ku heleynin.

Hadaba akhristow adiga sidee u aragtaa shakhsiyada Gonul ee Txanaha Hercaia?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here