Kulanti wacan akhristayaal waa xalqadii 37-aad ee taxanaha Hercai taaso lagu arkay dhacdooyin xiiso leh fadlan hoos kaga bogo Filimside ayaa idiin soo diyaarisay dhacdooyinka xiisaha leh ee xalqadaan:

Xalqada waxay ka bilaawaneysa meesha ay ku dhamaatay tii hore xili Reyyan ay go’aansatay inee ka fogaato nolosha Miiran iyo dhamaan Reer Shadalogu oodhan misane u horeeyo Hazar.

Hadaba reerka oodhan xitaa Miiran la jiro ayaa isku dayayaan inee Reyyan celiyaan balse wey ka diide weyna ka tagee meel boosteejo misane Tareen laga raaco ayee tagee waxaana halkaas ugu tagaayo Furat oo maqlay bixitaanka Reyyan iyo sababta ka dambeysa.

Reyyan ayaa Furat ka codsaneyso inuu u geeyo Caziiza Aslanbey markee u tagtana waxay weydiine inee Caziiza oged in iyada Reyyan ah aabahed dhabta uusan Hazar ahen ayadoo sidaa ogna qorshaha Aargoosiga bilawday Caziiza ayaana Reyyan u sheegeyso ine oged wax walbo balse qalad walbo iyada laga galay uu u geestay Miiran ayna ka aargoosato balse Reyyan hadalka Caziiza wey iska leexine waxayna meesha ku arke boombalihii Gol oo meesha yaala weyna soo qaadane ayadoo Caziiza ugu hanjabeyso hadii Gol wax gaaran inee cad cad u jar jari doonto iyada Caziiza ah.

Gonul waxay ogaane in walaalked noolyahay maadama warqadii godka ay ka heshay sidaa ku qorned sidaa aawged Furat ayee wax walbo usheege waxayna usheege ine isaga u maleysay inuu walaalked yahay maadama Caziiza beentas usheegtay Furat ayaana weeraraayo Caziiza kuna qabsanaayo arinkaa jawaab fiicana kama so helaayo xili hooyadiis Asmaa xitaa ay diideyso ine soo raacdo wiilkeeda.

Reyyan waxay kusoo noqone guriga Ayeyo Shakran maadama Furat ku hubsanaayo halkaas waxuu kaloo Furat ogeysiina Hazar in Reyyan gurigaas joogto meesha ayeena imaanayan Hazar iyo Miiran si ay Reyyan u maslaxeyaan balse wey ka diide iga taga ayeena leedahay Hazar ayaana go’aansanaayo inuu Reyyan isaga tago balse Miiran wuu diida waxuuna isku duuba Reyyan oo uu hab siina waana muuqaal Miiran ku muujinaayo jaceylka uu u qabo Reyyan.

Reyyan ayaa Miiran ka dalbaneyso inuu iska baxo waqti ay ku fikirtana siiyo Miiran ayaa niyada ka dhahaayo,”waan aqaana waxa ku farxad galinaayo” si deg deg ayuuna kusoo baxaa, Reyyan ayaa la kulmeyso Caziiza markale waxayna Caziiza Reyyan u dhiibe warqad ku qoran Reyyan aabahed dhabta ah qofka uu yahay.

Balse Reyyan ayaa warqadaas jeex jeexeyso kahor inta aysan fiirin caziizana u hanjabeyso meeshana isaga soo tageyso laakiin Caziiza ayaa wacad ku mareyso inee Reyyan xoog u sheegan doonto markaan si ay nolosha Miiran kaga fogeyso dhinaca kale Haandaan ayaa qorsho ay Yaariin guriga ugu soo celiso dhiseedo fool been ah ayeena iska keene markii la dhaho isbitaal aan kuu wadnana waxay shuruud ka dhigee in gabadheeda Yaren oo guriga imaanin aysan isbitaal aadi doonin.

Jihaan ayaa gabadhiisa Yaren hotelka kasoo wadaayo maadama Harun guursaday Hotel-kana la dagay sidaas ayeena Yaren guriga ugu soo laabane kadib Miiran ayaa Reyyan u keenayo faraskii madowaa ee ay jecled weyna is raacayaan duurka ayee dalxiis u aadayaan.

Miiran ayaa isku dayaayo inuu Reyyan maslaxeeyo dibna u heshiyeen balse furka ayee ku tuure waxayna dhahee meeshan kaligey iiga tag maskaxeyda la tashanaa anaa go’aan soo gaarayo misane guriga imaanayo Miiran guriga ayeeyo Shakran ayuu kusoo laabana.

Hazar ayaa qasriga kusoo laabanaayo misane waxuu arkaa Yaren oo soo noqotay furka ayuuna tuura asoo ku hanjabaayo ama Yaren ayaa baxeyso ama anaa baxaayo kadib si lama filaan ayaa loo arkaa faraskii Reyyan wadatay oo kaligiis qasriga so galay Hazar ayaana aad u naxaayo waxuuna wacaa Miiran.

Miiran waxuu ogaana in nolosha Reyyan halis kujirto khaladna uu sameeyay markuu cidlada kaga soo tagay waxaa lagu tusaa Reyyan oo meel wabi biyo fadhiyaan aktiisa ku suuxday waxaana wadanaayo oo xambaaranaayo ayadoo suuxsan nin aan wajigiiisa lagu tuseynin dhar madowna xiran dhamaaf xalqada halkaas ayee kudhamaane..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here