Filimka Good Newwz ayaa hoos udhac sameeyay todobaadkiisa seddexaad 3-da maalmood ugu horeysay waxuuna keenay 8.75 Crore waxaana ugu wacan filimada tiyaatarada la saaran oo seddexdii maalmood u dambeysay uu culeys kala kulmay mooyee fasaxa todobaadka sifiican ayuu kaga faaideysan lahaa.

Dhanka kale fasaxyada yaryar ee jiraann mashruucan ayaa ka caawin doonaan in todobaadkiisa seddexaad uu markale ganacsi fiican sameyn doono waxaana hader muuqata inuu gaari doono lacagaha Houseful 4 ee 205 Crore ahaa waa hadii jimcadiisa afaraad uu sifiican isku celiyo ileen halkaas ayaa laga qiyaas qaadan karaa.

Wadarta guud hader mudo 17 maalmood ah Good Newwz waxuu ku keenay 184.25 Crore waana lacag heer sare ah todobaadkan dhexdiisa waxuu noqon doonaa filimka lacagaha ugu badan ka keena East Punjab isagoo dhaafi doono Kabir Singh oo halkaas hogaanka u hayo.

Sido kale hader waa Filimka lacagaha ugu badan ka keenay Delhi iyo hareeraheeda marka laga hadlo Filimada 2019 fadlan hoos kaga bogo Good Newwz ganacsigiisa maalinlaha ahaa:

Todobaadka Kowaad: 124.94 Crore

Todobaadka Labaad: 50.68 Crore

Jimco Seddexaad: 2 Crore

Sabti Seddexaad: 3.25 Crore

Axad Seddexaad: 3.50 Crore

Wadarta Guud: 184.37 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here