Good Newwz iyo maalintiisii labaad lacagaha uu keenay filimkaan waa hirgalay.

1
1235

Filimka Good Newwz oo uu hogaamiye ka yahay Super Star Akshey Kumar ayaa maalintiisii labaad ee shalay keenay ganacsi wacan asigoona sameeyay qiyaastii 30% sare u kac ah wuxuuna filimkaan keenay 22 crore.

Filimkaan oo maalintiisii koowaad ku furmay 17.50 crore ayaa shalay sare u kac fiican sameeyay wuxuuna filimkaan siweyn uga gadmayaa magaalooyinka ugu waaweyn India maadaama uu yahay filim reer magaalka loogu talo galay wuxuu ka gadmayaa Delhi NCR, East Punjab, Mumbai, Bangalore, iyo Pune.

Good Newwz wuxuu ku wanaagsanyahay sidoo kale tiyaatarada Multiplexka balse filimkaan wuxuu ka liitaa tiyaatarada Single Screenska sidoo kalana tuulooyinka magaalooyinka ka fog aad ayuu uga liitaa waxaana ugu wacan in reer magaalka loogu talo galay.

Haatan Good Newwz mudo 2 maalmood wuxuu kusoo xareeyay 39.50 crore waxaana sadaxdiisa maalmood ugu horeeyo laga filan karaa in ugu yaraan uu ganacsigiisa gaaro 65 crore waana hadii fasaxa maanta oo axad ah uu siweyn uga faa’ideysto

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here