Good Newwz lacagaha lagu qarash gareeyay sida uu Hit ku noqon karo iyo xogta aad uga baahantahay.

0
1132

Waxaa saakay tiyaatarada India la saaray filimka Good Nwwz kaasoo uu hogaamiye kayahay Super Star Akshey Kumar waxaana ku wehliyaan Kareena Kapoor Khan, Kiara Advani iyo Diljit Dosanjh ayadoo uu Directed kayahay Raj Mehta.

Filimkaan ayaa saakay la saaray 3800 ilaa 3900 tiyaataro u dhaxeeyo waana tiyaataro aad u badan sidoo kalana xadigii loogu talo galay la dhaafiyay maadaama uu filimkaan yahay mid reer Magaalka loogu talo galay oo uusan aheyn filim madadaalo dhameystiran leh hadana ayadoo sidaas tahay waa arin u wanaagsan kooxda filimka iska leh maadaama tiyaataro badan ay la micno tahay dakhli badan.

Filimkaan ayaa waxaa lagu qarash gareeyay qiyaastii 80 crore asigoona kaliya u baahan inuu 90 crore la yimaado si uu Hit u noqdo halka uu 140 uu Super Hit ku noqon karo.

Good Newwz hadii uu la yimaado 185 crore waxay lamid tahay inuu Blockbuster noqon doono waana arin wanaagsan oo filimkaan ganacsigiisa waxay u badantahay in 180 ilaa 200 crore ku xeyndaabnaan doono sidaas owgeed inuu Blockbuster noqon doono ayaa loo badinayaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here