Filimka Good Newwz ayaa keenay 33.50 Crore todobaadkiisa labaad seddexda maalmood ugu horeysay kaliya wadarta guudna waxuu hader marayaa 158.50 Crore isagoo kudhowaaday 160 Crore inuu mudo 10-maalmood ku gaaro.

Todobaadka labaad seddexda maalmood ugu horeysay ganacsiga uu sameeyay waxuu kala mid noqday Filimada Mission Mangal iyo Houseful 4 oo iyagana 33 Crore keenen waana guul usoo hooyatay dhamaan kooxda Filimka.

Waa hubaal maanta oo isniin ah inuu dhaafi doono ganacsiga Filimadan cimri ahaantooda keenen ee kala ah Saaho (qeybta af hindiga), Total Dhamaal iyo Kesari waxuuna maanta noqonaa Filimka 7-aad lacagaha ugu badan keenay 2019.

Kaalinta 4-aad inuu kagali doono ayee u badantahay filimada lacagaha ugu badan keenen 2019 sababto ah seddexda kaalin ugu horeysay waxaa kujiraan Houseful 4, Bharat iyo Mission Mangal kuwaaso cimri ahaantooda kala keynen inta udhaxeysa 190-2010 Crore.

Marka Good Newwz haduu uu doonaya inuu 200 Crore gaaro waa inuu todobaadka seddexaad sifiican isku celiya ileen imtixaan wey ayaa sugaya waana sababta aan loo saadaalin karin hadii 200 Crore gaari doono.

Todobaadka seddexaad waxaa tiyaatarada la qeybsan doonaan Filimada kala ah Tanhaji, Chhapaak iyo Darbar oo jimcaha soo socda la saari doono masraxa marka Good Newwz loolan ayuu kala kulmi doonaa mashaariicdaas meesha ku ciriirin doonaan.

Mudo 10 Maalmood ah iyo Good Newwz ganacsigiisa gudaja India oo BOI soo daabacday hoos kaga bogo:

Todobaadka Kowaad: 124.94 Crore

Jimco Labaad: 8 Crore

Sabti Labaad: 11.50 Crore

Axad Labaad: 14 Crore

Wadarta Guud: 158.44 Crore (Trade Figure)

3 COMMENTS

  1. kaalinta afraraad ayu galaya ayad dhahden kaliya saddex film ayana ka horeyso o ah bharat, hf 4, mission mangal lkn away filimadi URI, kabir singh, war dhamantod sanadki hore aya la dawaday xisabta kuma jiran miya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here