Good newwz oo cirka ku jira iyo ganacsiga uu sameeyay filimkaan talaadadiisa labaad.

0
1084

Filimka Good Newwz sidaan horay idiin kula wadaagnaba waa filim guuleystay misna Super Hit ah waana filimkii 4aad ee sanadka 2019ka Akshey Kumar loo diiwaan galiyay kaasoo Hit dhameystiran noqday kadib filimadii Kesari, Mission Mangal iyo Housefull 4.

Good Newwz ayaa isniintiisa labaa siweyn isku celiyay wuxuuna keenay 5 crore asigoona hoos u dhac weyn sameynin sidoo kale shalay oo talaadadiisa 2aad aheyd si adag ayuu markale isku celiyay wuxuuna filimkaan keenay 4.50 crore waxayna tani ka dhigantahay in haatan ganacsigiisa todobaadkii labaad uu maraayo 43 crore.

Arintani ayaa waxay ka dhigantahay in Good Newwz uu todobaadkiisa labaad uu keeni doono 51 ilaa 52 crore asigoona dhaafi doono ganacsigii ay sameeyeen todobaadkoodii labaad filimada War, Housefull 4 iyo Mission Mangal wuxuuna noqon doonaa filimka 3aad ee sanadkaan lacagaha ugu badan soo xareeyay todobaadkiisa labaad kadib Kabri Sing iyo Uri – The Surgical Strike.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo filimkaan iyo mudo 12 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Week1; 124.94 crore.

Jimce 2aad; 8 crore.

Sabti 2aad; 11.50 crore.

Axad 2aad; 14 crore.

Isniin 2aad; 5 crore.

Talaado 2aad; 4.50 crore.

Wadarta guud; 167.94 crore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here