Good Newwz oo dagaalkii koowaad kaga adkaaday Dabangg 3 iyo sida tiyaatarada labadaan filim loogu kala qeybiyay.

0
1124

Saakay oo jimce ah 27da December 2019ka waxaa tiyaatarada India wada saaran filimada Dabangg 3 oo todobaadkiisii labaad qaadanaya iyo filimka Good Newwz oo todobaadkiisa koowaad uu u yahay waxaana filimadaan kala hogaaminayo Mega Star Salman Khan iyo Super Star Akshey Kumar.

Filimka Dabangg 3 oo todobaadkiisa labaad u yahay ayaa todobaadkiisii koowaad dharbaaxo la kulmay kadib markii filimkaan xiligii tiyaatarada la saarayay qalalaaso ka taagneyd gudaha India inkastoo wali taagantahay hadana marxaladii halista aheyd waa laga soo gudbay.

Qalalaasahaas wuxuu sabab u noqday in ganacsigii filimkaan uu curyaamiyo xili fariintiisa iska dhexdhexaadka aheyd ay ku gadmi kartay awooda Salman Khan balse midaas ma aysan dhicin.

Isku soo wada duuboo haatan todobaadkii 1aad waa laga soo gudbay wuxuuna filimkaan guda galayaa todobaadkiisa labaad ayadoo uu masraxa ku cusubyahay filimka Good Newwz waxaana haatan labadaan filim loo kala qeybiyay tiyaatarada guud ee dalka India sidaan ayaana look ala qeybsaday;

Good Newwz ayaa helay tiyaatarada ugu badan waliba asigoo filimkaan helay mid kamid ah tiyaataradii ugu badneyd sanadkaan filim la saaray xitaa wuxuu ka tiyaataro badanyahay filimka Housefull 4 oo bishii Octobar 3800 tiyaatar la saaray halka Good Newwz todobaadkaan la saaray 3800-3900 tiyaatar.

Waa arin u wanaagsan filimkaan taasoona ka caawin doonto in todobaadkiisa koowaad uu ganacsi wacan sameeyo siweyna u gudmo filimkaan shactirada ah.

Dhanka kale Dabangg 3 ayaa asigana todobaadkiisa labaad la siiyay 1600 oo tiyaatar taasoo qudhiisa ka caawin doonto in todobaadkiisa labaad uu ganacsi wacan sameeyo.

D3 iyo GN sidaan ayaa tiyaatarada loogu kala qeybiyay;

Good Newwz; 3800-3900 tiyaatar.

Dabangg 3; 1600 tiyaatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here