Filimka Good Newwz ayaa hoos u dhac sameeyay todobaadkiisa 3aad wuxuuna keenay 14.20 crore asigoona ka lacag yar filimada Housefull 4 iyo Mission Mangal todobaadkooda 3aad ganacsiga ay sameeyeen.

Good Newwz ganacsigiisa guud sida BOI soo qortay haatan wuxuu marayaa 190 crore asigoona gudo gali doono todobaadkiisa 4aad wuxuuna wali heystaa jaanis uu ku gaaro darajada 200 crore misna Blocbuster noqdo maadaama filimka Chhapaak Box Officeka ku fashilmay.

Good Newwz maalmaha soo socdo ayuu ganacsi ahaan dhaafi doonaa filimka Mission Mangal oo horay usoo xareeyay 192 crore asigoona sidoo kale heysto jaanis uu ku dhaafo filimka Bharat oo asna horay usoo xareeyay 197 crore wuxuuna Good Newwz noqon karaa filima 5aad ama 6aad ee lacagaha ugu badan soo xareeyay sanadkii hore.

Filimkaan ayaa haatan darajada Super Hit ka dalacay wuxuuna qarka u saaranyahay inuu Blockbuster noqdo inkastoo xogtiisa wali BOI soo daabacin.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo ganacsiga uu filimkaan sameeyay mudo 3 todobaad ah;

Week 1; 124.94 crore.

Week 2; 50.68 crore.

Week 3; 14.20 crore.

Wadarta guud; 189.82 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here