Filimka Good Newwz ayaa maalintii shalay ahed keenay 13 Crore lacag ah waxuuna hoos udhacay kaliya 25% marka axadi lala bar bardhigo balse 10 ilaa 15% ayuu hoos udhici lahaa mashruucan shalay hadii qiimaha tikitka qaali ahaan lahaa sababto ah dad badan ayaa usoo daawasho tageen shalay oo maalin shaqo ahed.

Wadarta guud hader waxuu marayaa 78 Crore waana hubaal inuu HIT yahay xitaa hadii fasaxa sanadka cusub uu hoos udhaco waa HIT filimkaan sida BOI kudhawaaqday maanta waxaana ugu wacan 4 maalmood ayuu 78 Crore kusoo xareeyay waa ganacsi cajiib ah.

Waxaa la filaa todobaadkiisa kowaad inuu keeno 120 Crore qiyaas ahaan asigoo la filaayo inuu ka faaideysan doono maalmaha fasaxa sanadka cusub oo maanta ka bilaawaneyso tani waxay ka dhigantahay in Good Newwz ka ganacsi wanaagsanaado todobaadka kowaad Filimka Dabangg 3.

Dabangg 3 caqabado ayaa qabsadeen fashilna wuu ku habsaday balse Good Newwz ayee daawadayaasha si weyn usoo dhaweyeen hoos kaga bogo ganacsiga Good Newwz mudo 4 maalmood.

Jimco: 17.50 Crore

Sabti: 21.50 Crore

Axad: 26 Crore

Isniin: 13 Crore

Wadarta Guud: 78 Crore (Trade Figure)

Sido kale kooxda Filimkaan qaasatan Dharma Productions waxay baahiyeen in 4 maalmood Good Nwwz ku keenay 78 Crore waana isku mid ganacsiga kooxda iskaleh baahiyeen iyo midka BOI.

1 COMMENT

  1. Aflaanta Akshay Kumar Inta badan BIO iyo Kooxda filimka iska farqi weyn uma dhaxeeyo markee u badato 1 ilaa 2cr halka actors ay lacag waali ah u dhaxeeso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here