Filimka weyn Tanhaji – The Unsung Warrior waxaa tiyaatarada la saari doonaa 10 Jan 2020 waana filimka ugu weyn ee ugu horeeyo 2020 lagu daah furi doono waxaana hogaamiye ka ah Ajay Devgn, halka Saif Ali Khan laadar ka yahay sidoo kalena Kajol Devgn waxay ku jileysaa Ajay marwadiisa ayadoo garab weyn siin doonto waana mashruuc taariikhi ah.

Haddaba waxaa la ogaaday in filimka Tanhaji – The Unsung Warrior goos gooskiisa lasoo bandhigi doono 22-ka bishan November waxaana lagu soo dhex deyn doonaa daawashada filimka Pagalpanti oo xiligaas tiyaatarada la saarayo waxaana Pagalpanti wada jilayaan Anil Kapoor, John Abraham, Arshad Warsi, Ileana D Cruz iyo Pulkit Samrat halka Anees Bazmee uu Director ka yahay.

Goos gooska kowaad filimka Tanhaji waxaa lagu soo bandhigi doonaa dagaalka dhanka seefaha ee Ajay iyo Saif isku heli doonaan sidoo kalena aalada VFX sida filimkan loogu qaabeeyay ama loogu qurxiyay tayo ahaana waa lasoo bandhigi doonaa. Omar Raut oo Director ka ah filimka Tanhaji ayaa sheegay mashruucan boqortooyo ee nolosha dagaalyahan Tanhaji looga hadlaayo la yaabi doonaan awooda siman ee Ajay iyo Saif filimkan leeyihiin in dagaalada geesinimada ku dheehan oo ay shaashada kusoo bandhigi doonaan.

Ajay Devgn ayaa ka mid ah soo saarayaasha filimka Tanhaji wuxuuna haatan aad ugu mashquulsan yahay dhameestirka duubista filimkiisa Maidan kadibna wuxuu qayb ka noqon doonaa duubista dhamaadka filimka Sooryavanshi asigoo muuqaal Action ah la sameyn doono Akshay Kumar iyo Ranveer Singh waxaana intaas u dheer in Devgn sidoo kale bishan dhamaadkeeda dib u amba qaadi doono duubista filimka weyn Bhuj: The Pride of India oo ay Sanjay Dutt, Rana Dagubatti, Sonakshi Sinha iyo Parineeti Chopra isla jilayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here