Qof walbo wuxuu sugayaa isla shaqeynta labada awooda badan Superstar Akshay Kumar iyo Director Rohit Shetty madaama filimka Sooryavanshi ay ku midoobeen la daawan doono 27 Maarso 2020 waxaana atirisho kowaad ka ah mashruucan Katrina Kaif halka Karan Johar soo saare ka yahay.

Haatan waxaa la ogaaday in goos gooska filimka Sooryavanshi in lasoo bandhigi doono ama hawada lagu soo bixi doono 27 Febraayo 2020 ama bil kadib weliba waxaa la sheegay in goos gooskan si heer sare ah loo agaasimay waxaana Akshay kala soo muuqan doonaan Ajay Devgn doorkiisa Singham iyo Ranveer Singh doorkiisa Simmba oo filimkan muuqaal marti ah ku leh.

Director Rohit Shetty wuxuu sheegay in shaqada Sooryavanshi si qurux badan kusoo idlaatay sidoo kalena filimkan fariinta booliska xambaarsan Action-kiisa lala cajabi doono madaama Kumar ficilo halis ah mashruucan kusoo bandhigi doono dagaalka gacanta, lugta, bistoolada iyo xitaa isbursiga dhanka hawada iyo dhulka waxaana lagu duubay filimkan intiisa badan Mumbai, Bangkok iyo Gao (Goobaay).

Dhinaca kale waxaa la sheegay in ruug cadaa Jackie Shroff kusoo biiray kooxda filimka Sooryavanshi sidoo kalena door muhiim ah mashruucan ka qaadan doono waxaana horey jilaayaasha filimkan kaga ahaayeen ruug cadaayaasha Bollywood-ka sida Gulshan Grover iyo Anupam Kher.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here