Home » Nolosha Jilaayaasha » Goorme La Daawan Doona Super Star Nagarjuna Filmkiisa Action-ka Ah Ee Officer!!

Goorme La Daawan Doona Super Star Nagarjuna Filmkiisa Action-ka Ah Ee Officer!!

Officer waa film dagaal ah oo uu hogaamiye ka yahay Super Star reer Telugu Nagarjuna Akkineni halka u Director ka yahay Ram Gopal Varma waana mashruuc taagerayaasha Nagarjuna si waali ah u wada sugayaan.

Markii hore waxaa la qorsheyay in la daawado mashruucan 25 bishaan May balse RGV ayaa maanta baraha ku shaaciyay xiliga ugu saxsan ee la daawan doono mashruucan.

“Inkastoo mashquul badan uu jiro oo aan wali howsha mashruucan ku guda jirno hadana dib ayan u dhignay waxaana jecelnahay in ugu dambeys tiyaatarada la saaro filmkaan 1 June 2018.”

RGV ayaa bartiisa Twitter-ka maanta sidaa kusoo qoray dhanka kale filmka waxaa atirisho ka ah Myra Sareen waana mashruuc uu Nagarjuna door aabo ku jilaayo isagoo ciidan ah.